U bood dhigaalka

Somaliland Oo Eedeysay Puntland

Sheeko:Dalka

Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal shalay uu sheegay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, kaasi oo ku aadan in maamulkooda ka go’an tahay la wareegista gobolka Sool.

War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/laahi Faara (Guri-barwaaqo) ayuu ku eedeeyay Puntland iney dooneyso colaad cusub.

Waxa uu sheegay wasiirka in sidoo kale uu madaxweyne Gaas u gafay shacabka ku dhaqan gobolka Sool waa sida uu hadalka u dhigaye.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay sidoo kale, in Somaliland ay diyaar u tahay haddii wadahadal nabadeed lagu xalinayo xiisadda Tukaraq.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka:

“Maamul goboleedka Soomaaliya ee Garoowe ee uu ka taliyo Cabdiweli Cali Gaas, ayaa ka hor xaqiijiyey Baarlamaanka gobolkiisa inay ka go’an tahay inuu si sharciga ka baxsan oo xad-gudub ah duullaan ugu qaado gobollo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku suntan xuduudaha caalamiga ah ee uu ka tagey isticmaarku, isla markaana hore u ayideen ururka midnimada afrika shirkoodii ka dhacay Qaahira 1964kii, isagoo ku andacoonaya xuduud ku dhisan reernimo, taasi oo haddii si heer caalamiya iyo mid goboleedba wax laga qaban waayo daandaansiga iyo gardarada Cabdiweli ay horseedi doonto in xuduudaha dalalka Afrika aanay ahaan doonin sida ay maanta yihiin, gaar ahaanna kuwa mandaqada Geeska Afrika.

Cabdiweli Gaas wuxuu fadeexadeeyey oo ceeb aanay geyin dusha u saaray dadka reer Sool ee Sheekh iyo shariifba leh, isagoo ku tilmaamay inay yihiin dad mushahar ku beddesha masiirkooda, iyadoo marka dib loo dhugto taariikhda ay dadka reer Sool yihiin kuwo door shariif ah kaga jira sooyaalka taariikheed ee xornimo u dirirkii Soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyagoo taas mid la mid ah ka qaatay halgankii dib u dhiska qaranimo iyo difaaca JSL, sidaas awgeed, waxaanu leenahay dadka xurmada iyo sharafta leh ee reer Sool xaal ka sii deelqaafkaaga joogtada ah, sidoo kale sidaad ku sheegtay maaha dad ciil qabayaal ah ee waa dad gob ah oo aan weligood yeelin wax cid kale ku sandullayso.

Waxa kale oo aanu u sheegaynaa Cabdiweli Gaas in Laascaanood aanay noqonaynin waqooyiga Gaalkacayo, Buuhoodlena noqonayn Qardho, sidaas darteed waxaa u habboon inuu dadkiisa ka daayo beenta iyo beerlaxowsiga uu kursigiisa ku xejisanayo ama uu ku sallaxanayo muddo korodhsi ku salaysan marmarsiiyo colaadeed oo ah dagaalka uu kaga dhawaaqay maanta baarlamaanka Garoowe hortiisa.

Riyada beenta ah ee maamul-goboleedka Garoowe, waxaanu kor iyo hoosba ugu bayaaminaynaa, uguna celcelinaynaa in gobollada uu sida gardarada ah ugu taamayaa ay ka mid yihiin, kana mid ahaan doonaan waligood dhulka JSL, Cabdiweli iyo cid kale oo wax ka beddeli karta xuduudahayagana aanay jirin, annagoo ciidan iyo shacbiba heegan u ah inaanu dacar leefsiino cid kasta oo nagu soo xadgudubta.

Ugu dambayn, waxaanu xasuusinaynaa maamulka Garoowe in dawladda Somaliland ay marwalba diyaar u tahay in wada-hadal nabadeed lagu dhammeeyo arrinta u dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo la raacayo qoddobadii hore labada dhinac ugu heshiiyeen ee ka soo baxay shirkii London ee Feberwari 2012kii, qoddobadaasi oo ka fuli waayey dhinaca Soomaaliya, sida “in wadahadallada labada dhinac xuduudahoodu noqdaan sidii labadii dal ee ay kala xukumi jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.” Wixii ka horreeyey 26kii June 1960kii.”

 Dhammaad