U bood dhigaalka

Somaliland oo Faahfaahisay Sababta Loo Xiray Xafiisyada Labo TV

Sheeko:Amniga

Somaliland ayaa faahfaahiisay xiritaanka xaafiisyada Tv-ga Universal iyo Star ee magaalada Hargeysa, iyo sababta ka dambeysa in la xiroay labada Telefeshin.

Wasiirka warfaafinta oo Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in loo xiray, kadib markii ay diideen in ay baahiyaan khudbaddii madaxweyne Muuse Biixi ee 26-ka June, ayna jabiyeen amarro horay loogu wargeliyey in ay warbaahintu ay tabiyaan maalmaha 26-June iyo 18-ka.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in ay kala laabteen ruqsadii uu ku shaqeynayay TV-ga Universal guud ahaan degaanada Somaliland, dib uga tabiyowararka sida uu sheegay wasiir Saleebaan.

Goobjoog News