U bood dhigaalka

Somaliland Oo Fariin u Dirtey Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Maxamed C/laahi Farmaajo in dib loo bilaabo wada hadalladii Labada dhinac u dhaxeeyey.

Afhayeenka madaxtooyada maamulkaasi Xuseen Aadan Cige oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay in mar walbo ay qadiyaddeeda kala hadasho dadka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in madaxweyne Farmaajo ay ka rajeynayaan inuu si sax ah u abaaro wada hadallada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland.

“Waxana soo dhoweyneynaa nabad iyo deganaansho, xal waara oo loo helo arrinta Soomaaliya, waxaa inaga go’an inaan sii wadno wada hadalka Labada dhinac, waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya inuu ka leexdo wadadii qaldeneyd ee uu qaadey madaxweynihii ka horreeyey, Madaxweyne Farmaajo waxaan kula talineynaa inuu ka shaqeeyo sidii dalkiisa iyo dadkiisa ugu horseedi lahaa nabad iyo deganaansho waarta, sidoo kale madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaan si gaar ah ugu sheegeynaa in aaney ina matali karin shaqsiyaad Muqdisho laga curtey”

Madaxweyna Farmaajo ayaa balanqaadyadiisii kahor inta aanu madaxweyne noqon waxaa kamid ahaa in dowladdiisa wada hadal dhab ah ay la furi doonto maamulka Somaliland ee sheega in Soomaaliya inteeda kale ka go’ay.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa hakad ku jirey wada hadalladii u dhaxeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kadib is faham waa ka dhashay kulan ay ku lahaayeen dalka Turkiga.

Goobjoog News