U bood dhigaalka

Somaliland Oo Guulo Ka Sheegatay Dagaalkii Dhexmaray Ciidamadooda Iyo Kuwa Puntalnd

Sheeko:Amniga

Iyada oo maanta gobalka Sanaag ay ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan maamulada Soomaaliland iyo kuwa Puntland ayaa dagaalkaasi waxaa guulo ka sheegtay ciidanka mileteriga ee maamulka Soomaaliland.

Qoraal ka soo baxay afhayeenka ciidanka Soomaaliland, ayaa waxaa lagu sheegay in ciidankooda ay guulo la taaban karo ka gaareen kuwa Puntland islamarkaanka ay ka furteen hub iyo waliba sidoo kale gaadiid dagaal sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxaya maamulkaasi.

Dhinaca kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in ciidanka Puntland ay iyagu dagaalka soo qaadeen sidoo kalane ay maalmihii la soo dhaafay daan daansi ciidan ay ka wadeen gobalka Sanaag, waxaana Soomaaliland ay sheegtay in ay iska caabiyeen dagaalkii lagu soo qaaday.

Ugu dambeyntii qoraalka waxaa lagu soo gabagabeeyay in Soomaaliland aysan doonayn dagaal balse haddii laga deyn waayo daan daansiga joogtada ah in ay qaadi doonto tallaabo ay ku gudanayso waajibaadkeeda.

Halkan ka akhriso qoraalka ka soo baxay Soomaaliland

Goobjoog News