U bood dhigaalka

Somaliland Oo Ka Hadashay Hanjabaaddii Xuutiyiinta Yemen

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay muuqaal ay dhowaan soo duubeen rag sheegaya iney ka tirsan yihiin Xuutiyiinta Yemen, islamarkaana ku hanjabay in gantaalo ku dhufan doonaan magaalada Hargeysa iyo deegaanno kale.

Wasiirka ayaa sheegay in aanu jirin war rasmi ah oo kasoo gaaray xuutiyiinta Yemen, balse wax walbo oo yimaada markaas un ay jawaab ka bixin doonaan.

Sacad ayaa sheegay in markii ay Imaaraadka u ogolaanayeen dhismaha saldhigga ciidan ee Berbera ay ka war hayeen in waxyaabo badan imaan karaan.

“Wax qoraal oo rasmi ah oo naga soo gaaray Xuutiyiinta oo arrinkaa ku saabsan Ma jiro, markii hore ee aynu arrinkaa galnay iney waxyaabo badan dhici karaan weynu ogsooneyn, innagu dan baan u galnay dantiina weli wey taagan tahay” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Xuutiyiinta Yemen ayaa caqabad weyn u arka saldhigga Imaaraadka ka furanayo Somaliland.

Goobjoog News