U bood dhigaalka

Somaliland Oo Ka Hadashay Xarigga Boqor Buur-madow

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliska Somaliland Ayaa Xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo kamid ahaa nabaddoonnada Somaaliland.

Afhayeenka ciidamada Somaliland Faysal Ciise ayaa sheegay in boqor Buur- madaw uu galay dambi qaran dumis ah, kaasi oo uu sheegay in uu Lidi ku yahay Dastuurka u degan Somaliland isaga oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri.

“ Ciidanka Booliska Waxay Soo xireen Boqor Cismaan Buur-madow, kaasi oo lagu eedeynayo in uu galay dambi qaran dumis ah, waxaa uu faafiyey warar been ah oo sal iyo raad toona laheyn, Ciidanka Booliska markii uu falkaas galay waxay bilaabeen baaris aad u qoto dheer wayna soo qabteen iyaga oo xariggiisa umaray sida sharciga waafaqsan, waxaa uu ku eedeysanyahay qodobka 212-aad waxaa si degdeg ah loogu gudbin doonaa xeer ilaalinta”.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Boqor Buur-madow waxaa ay ka qabteen xalay  Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Goobjoog News