U bood dhigaalka

Somaliland: Shaqo Kuma Lihin Shirkii Ka Dhacay Xamar

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ku aadan arrimaha wada hadalka ee Somaliland iyo sidoo kale in dhanka wada hadalka loo gudbayo weji cusub.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Cabdullaahi Daahir Cakuse oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland aanay wax shaqo ah ku lahayn shirkii ka dhacay magaalada Muqdisho, isaga oo ugu baaqay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku ekaado ka hadal aayaha dowladda Federaalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen isaga iyo mas’uuliyiinta maamul gobaleedyada dalkaasi, waxa uu sheegay in shirkooda iyo nuxurka kasoo baxaya ama uljeedadiisa ay mabda ahaan Somaliland qeyb ka tahay, waxaan idiin kugu yeernay in Mowqifka Jamhuuriyadda Somaliland ee shirkaasi uu Xasan Sheekh ka hadlay iyo marxaladda Soomaaliya ay marayso inaan ka hadalno, wax cusub ma ahan oo waad ogtihiin Somaliland maanta wey 25-sano jirsatay, waana dowladaasi iskeeda u taagan, ee gaarka ah una toosan yihiin wax walba oo dowladnimada ah, Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa ay wax wadaagaan ee dalku ka dhaxeeyo, waxaan leenahay waad ogtihiin Somaliland inay tahay dal iskiisa u taagan Soomaaliyana aan qeyb ka ahayn, 25-sano kahor ayeeynu dowlad isla ahayn, laakiin maanta ma jirto”

“Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh waxaan leenahay ragga aad la fadhido ee aad wax wadaagtaan wax la qabso, riyada ka bax oo dowladnimo u sameyso dalka Soomaaliya oo baahida u qabo dowladnimada, naftaadana u sheeg in Somaliland ay tahay dowlad jirta oo walaalo aad tihiin”

Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday wada hadalka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaana uu sheegay in wada hadalkaasi uu yahay mid weli socda, ayna soo dhaweynayaa in lasii amba qaado.

“Wada hadallada wey inoo socdeen waa run, waxna kama qabno weli in wada hadallada ay inoo socdaan oo waliba runta lagu gaaro, Labada Shacbi iyo Laba Dowladoodna ay noqdaan kuwo walaalo ah oo dhiig, Dhaqan iyo derisnimo ka dhaxeyo” ayuu hadalkisa kusoo gabagabeeyay wasiir Cakuse.

Goobjoog News