U bood dhigaalka

Somaliland Oo Ka Laabatay Go’aankii Ay Ku Diidaneyd In Deegaanadeeda Kasoo Degaan Soomaalida Yemen Kasoo Cararaysa (Muuqaal)

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa goor dhaw ku dhawaaqay in ay dib u fasaxeen Soomaalida Yemen kasoo cararaysa in deegaanadooda kasoo degaan ka dib markii amar horay ay usoo saareen ku mamnuuceen dadkaasi in deegaanadooda yimaadaan.

Waxaa goor dhaweyd saxaafadda si wadajir ah ula hadlay wasiirada kala ah Arimaha Gudaha, dib u dejinta, wasiir ku xigeenka caafimaadka iyo wasiir ku xigeenka arimaha bulshada ee maamulkaasi, iyaga oo ka hadlay dib uga laabashada go’aankoodii.

Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde oo ugu horeyn hadlay waxa uu sheegay in ay ka laabteen go’aankoodii, islamarkaana arimaha dadka kasoo cararaya Yemen ay kala hadleen Hay’adaha UNHCR, iyo IOM.

Dadka ayuu sheegay markii ay yimaadaan Berbera in lasoo dhaweyn doono, sidoo kalena loo soo diri doono deegaanada ay kasoo jeedaan.

24-kii bishaan ayaa Somaliland waxa ay sheegtay in dekadaheeda ka xiran yihiin Soomaalida kasoo cararaysa dalka Yemen, waxaana 28-kii bishan May Dekadda Berbera saacado badan loo diidanaa in ay kasoo degaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhibaato kala soo kulmeen dalka Yemen.

Hoos ka daawo muuqaalka

Goobjoog News