U bood dhigaalka

Somaliland Oo La Wareegtay Maamulka Haamaha Shidaalka Ee Berbera

Sheeko:Dalka

Xukumadda Somaliland ayaa la wareegtay Paakinnada gaadiidka la dhigto ee garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa iyo Haamaha shidaalka ee Berbera, kuwaasi oo markii hore gacanta ugu jiray shirkado gaar loo leeyahay.

Qoraal uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu sheegay in xukuumaddu la wareegtay Paakinnda iyo Haamaha shidaalka ee Barbara.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland waxaa uu amar ku bixiyay in shirkadaha gacanta ku hayay goobahaasi lasoo xaqiijiyo dhaqaalaha ay ka heleen muddadii ay gacanta ku hayeen.

Haddaba Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi sidaan ayay u qorneyd.

“Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland:

Markaan Arkay: Qodobka 14aad xubintiisa 1aad iyo Qodobka 54aad xubintiisa 1aad ee Dastuurka;

Markaan Arkay: Qodobka 3aad (2) (kh), 32 (2) (g), iyo 33 (2) (b) ee Xeerka Hay’adda Duulista Madaniga ah ee Xeer Lr.70/2017;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Takaalifta Amniga Madaarada ee Xeer Lr. 61/2013;

Markaan Garwaaqsaday:In daryeelka iyo ilaalinta hantida guud ay tahay waajib saaran xukuumadda, hantidaas oo hadii loo baahdo lagu wareejin karo kali ah, si sharciga waafaqsan, sida ku cad qodobka 12aad ee Dastuurka dalka;

Markaan Xaqiiqsaday: Mihiimadda ay leedahay la soo noqoshada hantida dawladda, oo il-duuf sharci ku jiro habka loo wareejiyay, maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (PPP Act);

Markaan Arkay: Mihiimadda ay leedahay in dawladdu la soo noqoto hanti-ahaan iyo maamul ahaanba Haamaha Shidaalka Berbera, Adeegga Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Baarkinka Madaarka Cigaal, sababo amni iyo dhaqaale awgeed;Markaan Xaqiiqsaday: In sii wadidda heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada bulshada ee ay xukuumaddu ka masuulka ahayd aanay ku jirin danta guud ee qaranka, isla markaana ay ka hor imanayso waajibka xukuumadda ka saaran ilaalinta hantida iyo uga faa’iidaynta dant guud;

Markaan Helay: Talo soo jeedinta guddida dhaqaalaha iyo horumarinta ee Heer Qaran iyo talo bixintii sharci ee heshiisyadii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadahah BOG, SRM iyo EPASS;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In la buriyay heshiisyadii lagu wareejiyay adeegyada: Haamaha Shidaalka (BOG), Adeegga Amniga Madaarada (SRM), iyo Adeega Baarkinka Madaarka Cigaal (EPASS).

2) In xukuumaddu ay gabi ahaanba ula soo noqotay si sharciga waafaqsan maamulkii, gacan-ku-hayntii, Adeegii iyo Qalabkii Haamaha shidaalka ee Berbera, Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Adeegga Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee ay hayeen shirkadaha kala ah; BOG, SRM iyo EPASS.

3) In Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Hay’adda Duulista Hawadu ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha BOG, SRM iyo EPASS ku maalgaliyeen Haamaha Shidaalka Berbera, Amniga Madaarkada Caalamiga ah ee Cigaal iyo Baarkinka Madaarka, soona xaqiijiyaan dhaqaalaha ay ka heleen.

4) In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan.

5) In Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah”.

Goobjoog News