U bood dhigaalka

Somaliland Oo Laga Mamnuucay Caweyska Iyo Xafladaha Fiidkii Kadib

Sheeko:Dalka

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa shaaca ka qaaday awaamiir ay ka soo saartay Somaliland caweyska, fanka iyo xafladaha.

Wasiirka oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay “waxaan halkan isugu kiin yeeray, in aan fariin u diro, dhammaan Hotelada waaweyn ee dalka, waxaan fariin u dirayaa taliyeyaasha ciidanka, Barasaabada gobollada oo dhan, inay tixgeliyaan qoraalka aan u soo qoray, oo aan ku amreyno Hoteello, waxaan u sheegeynaa Hoteeleyda in waqtiga la caweynayo ama xafladaha la qabanayo, aaney ka dambeynin 11.50 habeennimo”.

Dhinaca kale, Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye wuxuu intaas ku daray in caweysyada ay mamnuuc ka tahay khamro, xashiishad, shiishad iyo wixii kale ee la mid ah. Ugu dambeyntii, waxaa la faray ciidamada booliiska inay howshaad qabtaan, wixii caawa ka dambeeya.

Tilaabo middaas la mid ah, Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku amray makhaayadaha iyo hoteellada ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho in aysan shaqeynin wixii ka dambeeya Saqda dhexe ee habeenkii, ayagoo arrintaas u sababeeyay “falal anshax xumo ah oo halkaas ka dhaca waqtiyada dambe ee habeenkii”.

Goobjoog News