U bood dhigaalka

Somaliland Oo Lagu Eedeeyay Iney Sabab u Tahay Dilal Ka Dhacay Laascaanood

Sheeko:Dalka

Waxgaradka iyo culimada ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ka hadlay dilal la xiriira aanooyin qabiil oo maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay magaaladaasi,

Waxay sheegeen in Somaliland ay sabab u tahay dilalkan dhacaya,  maadaama aanay waxbo ka qaban dad ku eedeysan dilal oo ay xasbiyada ku hayaan.

Culimada ayaa soo jeediyey in cid walbo oo wax disha aan xabsi la gelin ee sharciga la mariyo, la qisaaso ama la horkeeno dadka leh dhiigga qofka uu dilay.

Sidoo kale, Culimada iyo waxgaradka Laascaanood ayaa sheegay in haddii la doonayo in la helo xal ku aadan dhammeynta dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaaladaasi ay tahay oo kaliya in la dilo cid walbo oo wax disha, lagana soo bilaabo kuwa hadda ku jira xabsiyada Somaliland ee dilalka ku eedeysan.

Goobjoog News