U bood dhigaalka

Somaliland Oo Lagu Qabtay Xaflad Loogu Dabaal-dagayo Xuska Aas-aaska Boqortooyadda Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliand, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xalay ka qayb galay xaflad ballaadhan oo loo qabtay jaaliyadda Sucuudiga ee ku nool Somaliland, xafladani oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka qayb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, Guddomiyaha Xisbiga UCID, Maayirka, maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa, Guddomiye xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somaliland, masuuliyiin iyo Siyaasiyiin kala duwan.

Xaflada waxa kale oo loogu hambalyaynaayay xuska aas-aaska boqortooyadda sucuudiga, waxaana si weyn uga war bixiyay xidhiidhka siyaasadeed ee u bilaabmay sucuudiga iyo Somaliland Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaanu sheegay in dawladda sucuudiga ay kala hadlayaan sidii loogu xaji lahaa baasaaboorka Somaliland, waxaanu wasiirku xusay in sucuudigu uu danaynayo xidhiidh wanaagsan oo uu la yeesho dalkani Jamhuuriyadda Somaliland. Guddomiye ku-xigeenka baarlamanka Somaliland, iyo guddomiyaha xisbiga UCID ayaa iyaguna halkaasi kusoo ban dhigay fursadaha Somaliland ugu jira xiisaha caalamku u hayo gobolka geeska afrika, waxaana ay bogaadiyeen wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa si faah-faahsan uga war bixiyay xidhiidhka soo jireenka ah iyo cilaaqadka cusub ee u bilawday Somaliland iyo Sucuudiga waxaanu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku “Somaliland iyo dalka Sucuudigu waxay leeyihiin taariikh dheer oo uu ka dhaxeeyay xidhiidh dhinac walba leh, waxaanu jecelnahay ka dawlad ahaan inaanu halkaasi kasii wadno, sucuudiga iyo Somaliland waxa imika u bilaabmay iskaashi weyn, aad iyo aad ayaan usoo dhawaynayaa, Somaliland waa meel-istiraataji ah oo cid-waliba danaynayso sucuudiguna waxa uu kamid yahay dalalka danaynaya annaguna waanu sii laban-laabi doonaa cilaaqaadka sucuudiga” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeeka Somaliland.

Goobjoog News