U bood dhigaalka

Somaliland Oo Lagu Wareejiyay Qayb Ka Mid Ah Askartii Khaatumo

Sheeko:Dalka

Somaliland ayaa maamulka Khaatumo kala wareegtay labo boqol oo askari iyo shan gaari oo kuwa dagaalka ah, arrintan ayaa ka dhacday magaalada Balli-cad oo ka tirsan gobolka Cayn.

Munaasabadda ciidanka lagu wareejinayay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka socday maamulka Khaatuma oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Amniga maamulkaasi Keyse Cabdi Yuusuf iyo Wasiirka Warfaafinta Axmed Xaaji Cali.

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa ay sheegeen in ciidankaan ay si hordhac ah ugu wareejinayaan Somaliland taasina ay qayb ka tahay heshiis ay horey magaalada Caynaba ugu kala saxiixdeen Somaliland iyo Khaatumo.

Ugu horreyn waxaa meesha ka hadlay Wasiirka Amniga Khaatumo mudane Keyse Cabdi Yuusuf, waxaa uuna sheegay in uu heshiiskan taabagalay, maadaama qodobbo ka mid ah kuwii lagu heshiiyey ay dhaqangaleen waxa uuna yiri “Arrinta maanta aan iskugu nimid  oo inteenaan na kulmisay waa heshiiskii Caynaba ka dhacay, ayna ku heshiiyeen Somaliland iyo Khaatumo, heshiiskaas qodobbo ayuu lahaa, fulin ayuu u baahnaa in la fuliyana waa lagama maarmaan, maanta lama heshiinin [ee] horaa loo heshiiyey “.

Wasiirka Warfaafinta Khaatumo mudane Axmed Xaaji Cali oo isna hadlay waxa uu yiri “ Qodobkii ugu horreeyay oo hirgalay waxa uu ahaa in xabbad-joojin la sameeyo nabadna la qaato, waayo haddeysan nabaddu dhicin wadahadal ma soconayo, ilaa iyo markii uu heshiiskan dhacay dagaal ma uusan dhicin waxaadna ku fadhideen heshiiskaas iyo meesha uu ku dambayn doono”.

Taliyaha ciidamada lagu wareejiyey Gaashaanle Sare Cabdullaahi Dheere ayaa uga mahad-celiyey maamulka Khaatumo sida ay u fuliyeen heshiisyadii la galay  waxa uuna yiri “ Saacaddaaas laga bilaabo waxaad ka mid tihiin ciidanka Qaranka, askari kasta waxa uu leeyahay xaquuqda uu qaranka ku leeyahay, waajibka aad leedihiin ayaa idinkana la idin ka rabaa oo ah midka ciidannimo”.

Ciidamadan ka tirsan Khaatumo ee ku biiray Somaliland ayaa waxa ay qayb ka yihiin heshiis ay horay magaalada Cayn ugu kala saxiixdeen labada dhinac.

Goobjoog News