U bood dhigaalka

Somaliland oo Madaxweyne Xasan Ku Eedaysay Inuu Iska Indho Tirayo Rabitaanka Shacabkeeda

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo shir Jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Hargeysa ayaa  ku eedeeyay madaxweynaha dawladda Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu iska indho tirayo rabitaanka shacabka iyo go’aankooda oo ah gooni isku taagga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar uu hadal ka jeediyay magaalada Jowhar oo uu u joogay caleemo saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu xusay in Soomaaliya ku guulaysatay  hirgelinta qorshaha federaalka,  Somalilandna ay taa qeyb ka tahay, waxaanu Sacad kaga jawaabay arrintaasi “Madaxweynaha Xasan Sheekh waxaan leeyahay  waxaad iska indho tirtay in Somaliland ay tahay meel ka madax banaan guud ahaan xukunkaaga iyo Soomaaliya inteeda kale, kama hirgeli karo nidaamkaasi iyo nidaam kale oo u eeg oo muqdisho ka soo fulay toona(Somaliland)“.

Wasiirka ayaa sheegay inkasta oo dawladda Soomaaliya ay ku celcelisay iney lagama maarmaan tahay in la helo Soomaaliya oo mid ah hadana ayna Somaliland marnaba ka bixi doonin wadahadalka u dhexeeya oo ay Somaliland u aragto mid ay ku xaqiijin karto mustaqbalkeeda dambe .

inkasta oo dhinacyada dawladda Soomaaliya iyo Somaliland ay u socdeen wadahadallo dhawr mar la kulmay oo shuruudo looga dhigay ineysan Labada dhinac is dhaafsanin wax kasta oo wax u dhimi kara geeddi socodka wadahadalka, ayaa hadana waxa soo noqnoqda aragti kala duwanaashiyo ah midnimo iyo gooni u goosad .

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada