U bood dhigaalka

Somaliland oo Muddo Hakad Gelisay Qaadkii Imaan Jiray Coronavirus Dartii

Sheeko:Caafimaadka

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddiga ka hortagga faafitaanka xanuunka COVID-19 Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in maanta uu soo gana gaboobay kuala ay la lahaayeen  ganacsatada ka shaqeyso Qaadka ayaa waxaa uu sheegay in ay isla garteen labada dhinac in si ku meel gaal ah loo joojiyo muddo 25 cisho ah oo ka bilaabanayso maalinta axada ee soo aadan sababo la xirira COVID-19.

Madaxweyne -xigeenka ayaa sheegay in go’aankaas uu dhaqan-geli doono laga bilaabo Axadda todobaadka soo socda ee ku beegan 26-ka bishaan April, uuna ku egyahay 21- bisha May ee soo socota, si looga feejignaado faafidda  cudurka sidoo kale waxuu xusay in ciidamada kala duwan ee Somaliland ay ku amran yihiin, in ay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo Qaad soo gelisa gudaha Somaliland mudadaasi cayiman oo dhan 25 cisho oo la hakiyey .

Madaxwene ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil ayaa dhanka kale carabka ku dhuftay in Qaadka uu si fudud u gudbin karo xanuunka Coronavirus maadaama dad badan ay soo taabanayaan, oo dadkana uu sahlayo in ay kulmaan oo isku imaadaan waxaana uu faariin u diray laamaha amniga in ay qabtaan Qaadkii si sharci darro ah loo soo geliyo Somaliland ayna gubaan waxaana uu intaas ku daray in gaadiidkii soo qaadaana lala wareego.

Halkaan ka daawo

https://www.facebook.com/WarbaahintaMadaxtooyadaJSL/videos/2902111546534166/?t=3

Goobjoog News