U bood dhigaalka

Somaliland Oo Mushaarkii Ka Jartay Abwaannada Hadraawi, Xasan Ganey Iyo Cabdi Qeys

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay joojisay lacag mushaar bille ahaa oo ay siin jirtay saddex ka mid ah abwaannada Soomaaliyeed kuwaasi oo kala ah; abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi – Xasan Ganey iyo  abwaan Cabdi Aadan Xaad – Qays.

Cabdirisaaq Hurre Walan-wal oo ah ehellada abwaan Hadraawi ayaa Goobjoog News u sheegay in muddo saddex bilood ah aanay qaadan abwaannadu lacagtaasi ay siin jirtay xukuumadda Somaliland.

Lacagtan oo ay abwaannadu ka qaadan jireen madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ay qaadanayeen muddo gaadhaysa siddeed bilood (8-bilood). Waxaana u qoray madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo.

Qaddarka lacagta ah ee la siin jiray abwaannada ayaa ahaa midkiiba shan boqol oo doollarka maraykanka ah ($500) bishiiba.

3da Abwaan labo ka mid ah: Maxamed Ibraahim Hadraawi iyo Cabdi Aadan Xaad – Qays waxaa ay ku xanuunsanayaan magaalada Hargeisa halka Xasan Ganey loo qaaday dalka Hindiya.

Ugu dambeyntii, Xukuumadda Somaliland kama hadlin sababta keentay in lacagtan laga jaro abwaannada hase ahaatee waxa xusid mudan in dhowaan qaar ka mid ah wasaaraddaha Somaliland laga eryay shaqaale ay horay u qoratay xukuumaddii hore ee madaxweyne Siilaanyo, wasaaraddahaasi oo ay ku jirtay wasaaraddii la baabiiyay ee madaxtooyadu.

Goobjoog News