U bood dhigaalka

Somaliland Oo Puntland Uga Digtay Dhul Ballaarsi Ay Ku Sameyso Deegaannadooda

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa Puntland uga digay dhul ballaarsi ay sheegeen in ay ka wadaan deegaannao uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani oo Hargaysa saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in deegaannada Bari ee Somaliland gaar ahaan gobolka Sool ay dhul ballaarsi colaad ay wehliso ay Puntland ka waddo.

Wuxuu sheegay in Puntland ay uga digayaan inay ku sii dhiirato sii wadista colaaddaasi isagoo sheegay in dad reer Puntland ah ay ku deegaameynayso sida uu warka u dhigay wasiir Saxardiid Caddaani deegaannada Somaliland.

“Somaliland waxay xaq u leedahay difaacidda dhulkeeda, faraha kama laabaneyso ilaalinta madax bannaanideeda iyo jiritaanka dhuleed, sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa maamul gobaleedka Puntland ee Soomaaliya in ciidda Somaliland uu degdeg ugala baxo ciidamada iyo dadka rayidka ah ee lagu soo daldalayo dhulkayaga” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Somaliland oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in caalamka oo dhan u sheegayaan in Puntland ay kusoo xadgudubtay dhulkooda islamarkaana wixii halkaasi ka dhaca aanay ka Somaliland ahaan mas’uul ka ahayn.

Dhinaca kale, maalmihii dambe waxaa colaad ay ka taagneyd deegaan la yiraahdo Bixin oo hoostaga degmada Boocame ee gobalka Sool halkaas oo ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Khaatumo ay ku dagaallamayeen islamarkaana ay wehliyeen maleeshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda goballada Sool iyo Nugaal.

Goobjoog News