U bood dhigaalka

Somaliland oo Qabqabatay illaa 51 Doonyood oo Sharci Darro Oga Kalluumeysanayay Badda

Sheeko:Dalka

kalluumeysid sharci darroMaamulka Somaliland ayaa sheegey in ay gacanta ku dhigeen illaa 51 doonyood oo kuwa kalluumeysiga ah kuwaasi oo si sharci darro ah oga jalaabanayay badda Soomaaliya.

Sida uu sheegey Admirtal Axmed Cusmaan waxaa doomahani laga leeyahay dalalka Yemen iyo Masar, waxaana saarnaa illaa 250 shaqaale ah oo iyaguna gacanta lagu dhigey.

Waa hawlgalkii ugu balaarnaa oo ay sameeyeen ciidamadda illaalada badda ee Somaliland oo ay tabobareen ciidamadda badda ee Midoowga Yurub.

Kalluumeysiga sharci darada ah ayaa ragaadiyey nolosha kalluumeysato badan oo noloshooda ku tiirsanayd jalaabashada.

Horey maamulka Puntland ayaa sidan oo kale u xirxirey gaadiidka badda oo si sharci darro ah ku kalluumeysanayay, kuwaasi oo markii dambe la siidaayay kadib ganaax lacageed oo badan.

Goobjoog News