U bood dhigaalka

Somaliland Oo Qaxootiga Kasoo Cararaya Yemen u Diiday In Deeganadooda Kasoo Degaan

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday in aanay qaabili doonin wixii berri ka dambeeya Soomaalida kasoo cararaysa dagaallada Yemen islamarkaana kusoo degaya deegaanadooda.

Wasiirka arimaha gudaha ee maamulkaasi Cali Maxamed Waran Cadde oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sababta ay ku diidan yihiin dadkaan in ay kusoo dhaweeyaan ay tahay markii ay u waayeen tabar ay dadkaan ku qaabilaan iyo sidoo kale dhanka amniga.

“Hay’adaha waxay ka gaabiyeen in ay quudiyaan dadkaan masaakiinta ah ee aan tabarta hayn iyaga oo ku riixaya dadkaan in ay yihiin reer Soomaaliya, islamarkaana aysan u rabin in ay wax siiyaan, anaga iyo Soomaaliya deris baan nahay, Somaliland waa dowlad yar oo dunida laga aqoonsan, dhaqaale ahaan ma awoodno in dadkaan aan hayno, weyna naga badan yihiin, midda Labaad dhanka nabad galyada, waxa laga baqayaa in masaakiintaan ay kusoo dhex dhuuntaan dad qas wadayaal ah, laga bilaabo berri waxaan joojinay dadka ka imaanaya Yemen, maadaama nabad galyada iyo dadkaasi quudintoodii aanu qaabili karin maadaama ay hay’adihii diideen, caalamkana waxaan u sheegaynaa in Dekadahayaga ay ka xiran yihiin dadkaasi” ayuu yiri wasiirka

Dekadda Berbera ayaa dhawaan waxaa gaaray muwaadiniin Soomaaliyeed iyo kuwa Yemen ah, kuwaasi oo kasoo cararay dagaalka ka socda dalka Yemen.

Dadka kasoo cararay dagaalladaasi ayaa soo kala gaarayay Puntland iyo Somaliland, waxaana maamulka iyo shacabka Puntland ay dhexda u xirteen sidii dadkaasi dhibban kusoo dhaweyn lahaayeen, halka Somaliland ay ku dhawaaqday in Dekadii ay ka xiratay shacabkaasi.

Goobjog News