U bood dhigaalka

Somaliland oo Shaacisey Xiliga ay Dhacayaan Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Madaxweyna maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shaaciyey xiliga la qabanayo doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madaxtinimo oo ahayd arrintii ay sida weyn uga walaacsanaayeen xisbiyadda mucaaradka.

Hoos Ka Akhri War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda Somaliland

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:   Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:   Qodobada 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Somaliland;
Markuu Helay:   Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadiisu tahay GDQ/XK/444/2015 ee ku taariikhaysan 08/09/2015, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Wakhtiga Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee 28/03/2017;

Markuu Arkay:   Go’aanka Golaha Guurtida JSL ee lambarkiisu yahay GG/JSL/Go’aan Lambar 04/05/2015, kuna taariikhaysan 11/04/2015, ahna Go’aanka Muddo Kordhinta Xilka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-Xigeenka iyo Goleyaasha Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida);

Markuu Arkay:   Faqradda 3aad ee Qaraarka Fasiraadda ah ee Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay summadiisu tahay MS/DD/02/2015 kuna taariikhaysan 18/08/2015;

Markuu Ku Qancay:    In baahi loo Qabo isla markaana ay lagama Maarmaan u tahay hannanka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo Waqtiga Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo Saaray; Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu markay tahay 28/03/2017 ay noqoto maalin doorasho oo ay qabsoonto Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somalilan

 

Goobjoog News