U bood dhigaalka

Somaliland Oo Sheegtay In DFS Kala Hadashay Dib u Bilaabashada Wadahadallada Iyo Xiisadda Tukaraq

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo safar ugu maqnaa dalalka Ethiopia iyo Ingiriiska ayaa waxa uu sheegay muddadii uu ku sugnaa dalalkaasi uu la kulmay qaar kamid ah madaxda caalamka, isagoo sheegay in ay ka wada hadleen qadiyadda Somaliland.

Dhinaca kale, wasiir Sacad Cali Shire waxa kale oo uu sheegay in magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya ay ku kulmeen wasiirka arrimaha dibadda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, isagoo sheegay in ay ka wada hadleen sidii markale dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalladii ka dhaxeeyay labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo xiisadda ka taagan magaalada Tukaraq ee gobolka Sool.

“Madaxweynaha Soomaaliya lamaan kulmin anigu laakiin waan kulannahay wasiirka arrimaha dibadda si gaarana waxaanu uga wada-hadalnay laba shay; midi wuxuu ahaa wada-hadalka sidii dib loogu bilaabi lahaa midna wuxuu ahaa arrinka Tukaraq” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire

Khaalid Foodhaadhi
Goobjoog News
Hargeysa, Somaliland