U bood dhigaalka

Somaliland Oo Sheegtay In Turkiga Laga Wareejiyey Dhex Dhexaadinta Wadahadalladii Ay La Lahaayeen DFS

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in mar kale ay dib u billaabmi doonaan wadahadalladii dowladda Federaalka iyo Somaliland, kaasi oo dib uga bilaaban doona dalka Jabuuti.

Wasiirka ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku kulmi doonaan dalka Jabuuti.

Waxa uu tilmaamay wasiir Sacad in dowladda Turkiga laga wareejiyey dhex-dhexaadkii ay ka ahayd wadahadalladan, ayna la wareegtay Switzerland.

“Waxaan ogahay in aan isla garannay in dib loo amba qaado wadahadalkii, codsina wuu jiray oo ka yimid xagga dowladda Soomaaliya in marka hore loo sameeyo furitaan, maaha wadahadalkii laakiin waa furitaan Labada madaxweyne ay ka sameeyaan Jabuuti, berigii hore waa adiga ogaa Labada madaxweyne mar bay isugu yimaadeen Jabuuti oo ku saabsan arrinkan, dabadeed markii furitaankan la sameeyo ayuu wadahadalka bilaabmayaa, waxaana uu ka bilaabmi doonaa saaxad caalami ah, wadanka Switzerland ayaa muujiyey diyaar inuu u yahay in arrinkaa inaga caawiyo, qeybna ka qaato, waxaan rajeynayaa in qolada kalena ay soo dhoweyso” ayuu yiri  wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Sidoo kale, wasiir Sacad ayaa sheegay in dowladda Turkiga aanay dhex ka ahayn wadahadallada, ayna taageereysay dhanka dowladda Federaalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Runtii Turkiga gogol un bay inoo dhigi jireen, iyagu hadalka qeyb kama ahayn, laakiin Turkiga mowqifkoodu runtii wuu cad yahay, dhowr jeerna waa ay yiraahdeen waa Somaliweyn, marka arrin la isku hayo haddii arrinka cidi daraf ka tahay dhex dhexaadna kama noqon karto, waxaynu u baahannahay cid dhex dhexaad ah oo aynu ku kalsoonnahay, laakiin waan uga mahadcelineynaa dedaalkii ay sameeyeen” ayuu mar kale yiri wasiir Sacad.

Dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya, weli kama aanay hadal dib u bilaabashada wadahadalkii ay kula jirtay Somaliland.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada