U bood dhigaalka

Somaliland Oo Sheegtay In Wadahadallo Ay La Leeyihiin Puntland

Sheeko:Dalka

Somaliland ayaa sheegtay iney billowday wadahadallo ay la yeeshaan maamulka Puntland oo dhowaan ku dagaallameen deegaanno ka mid ah gobolka Sool.

Sacad Cali Shire, Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in Somaliland ay garowsatay in xilligaan aanu dagaal u baahneyn gobolka Sool, islamarkaana muhiim tahay in la wadahadlo.

“Gobolka Sool uma baahna dagaal iyo iska horimaad, wuxuu u baahan yahay nabad, wadan walbo xaq buu u leeyahay inuu xadkiisa gaaro, Somaliland uma baahna in dadkeeda maquuniso oo ay xoog ku gaarto” ayuu yiri wasiir Sacad.

Wasiir Sacad ayaa dhanka kale sheegay in Puntland ay wadahadallada ku xireen in xabadda la joojiyo, laga wadahadlo maxaabiista islamarkaana dhankooda arrimahaasi diyaar u yihiin.

Somaliland iyo Puntland ayaa ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolka Sool, iyadoo weli aan wax xal ah la gaarin.

Goobjoog News