U bood dhigaalka

Somaliland Oo Sheegtay Iney Diyaar u Tahay Wadahadallada Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Somaliand ayaa sheegtay in xilligan ay diyaar u tahay wadahadallo ay la yeelato dowladda federaalka Soomaaliya, kadib wufuud caalami ah oo shalay kulamo kula yeeshay Hargeysa madaxda Somaliland.

Xildhibaan Nac-nac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somaliland ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog, wuxuu sheegay in wafdigii ka socday midowga Yurub ee gaaray Hargeysa ay ka dalbadeen in la wadahadlo.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in wadahadallada ay muhiim yihiin, balse loo baahan yahay in loo wadahadlo Laba dowladood oo kale.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in loo wadahadli doono sidii loo kala bixi lahaa, ee aanay ahayn isku soo noqosho.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News