U bood dhigaalka

Somaliland Oo Shirkado Badan Baaris Ku Bilowday

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa dib u eegis iyo baaritaan ku sameynaya heshiisyada 16 shirkadood oo si gaar ah loo leeyahay oo adeegyo kala dhowr ah siiya Wasaaradaha kala duwan ee maamulkaas.

Hanti-dhowrka guud ee Somaliland Saciid Suleebaan Mire oo xafiiskiisa kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay tahay in shirkadaas ay soo gudbiyaan dukumentiyadii heshiisyada ay la galeen maamulka si dib u eegis iyo baaritaan loogu sameeyo.

Shirkadaha loo yeeray in ay keenaan heshiisyadooda, dakhliga iyo kharashaadka ayaa waxaa kamid ah shirkadaha maamulad dakadaha iyo garoomada diyaaradaha ee Somaliland, shirkadda bixisa lambarada gaadiidka, shirkadda bixisa wadda marista gaadiidka, shirkadda bixisa adeegga fiisayaasha iyo shirkado kale.

Hanti dhowrka oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Waa farriin ku socota dhammaan shirkadaha maxalliga ah ee la galay heshiisyada hay’adaha qaranka qaar kamid ah oo aan ka dalbanayno in ay soo gudbiyaan heshiisyada heshiisyadaas oo ah waxyaabaha uu xafiiskan u xilsaaran yahay. Wax allaale wixii dakhli ah iyo qarash iyo heshiisyadaas koobi ayaan ka haynaa maadaama ay qeyb ka yihiin dakhliga miisaaniyadda qaranka”

Hanti dhowrka ayaa intaasi kusii daray in ay jiraan shirkado soo gudbiyay heshiisyadii ay la galeen dowladda balse mar kale uu farriin u dirayo kuwa aan weli soo gudbinin.

“farriintii hore waxaa ay aheyd in ay soo gudbiyaan 20-ka bisha, qaar soo gudbiyay waa ay jiraan inta aan soo gudbinna waxaan fareynaa in ay soo gudbiyaan oo ay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo gudbiyaan” ayuu yiri Saciid Suleebaan Mire, hanti-dhowrka guud ee Somaliland.

Goobjoog News