U bood dhigaalka

Somaliland Oo Shuruud Adag Ku Xirtay Wadahadallo Ay La Gasho DFS

Sheeko:Dalka

Adna Aadan Ismaaciil oo ah guddoomiyaha guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada DFS ayaa shuruud ku xirtay in dib loo furo wadahadalladan oo muddo hakad ku jiray.

Waxa ay sheegtay Adna in dowladda hadda jirta ay iska indho-tireyso heshiisyadii hore, balse marka hore loo baahan yahay in lagu dhowaaqo jiritaanka heshiisyadaasi.

Guddoomiye Adna ayaa tilmaantay in wadahadalladan waxyaabaha kale ee ay ku furmi karaan tahay in Hargeysa la keeno maamulka Hawada si waafaqsan heshiisyadii horey loo gaaray.

“Wadahadalladii diyaar baa loo yahay, hala is habeeyo, qodobadii hore ee lagu heshiiyey hala soo bandhigo oo halagu dhowaaqo iney sidoodii u jiraan oo aroorti aan kusoo tooso garoonkii Hargeysa in lagu soo celiyo awooddii maamulka diyaaradaha oo horey u saxiixeen Laba madaxweyne hore oo Soomaaliya iyo madaxweyne Somaliland ah” ayeey tiri Adna.

Dhanka kale, adna Aadan oo hadalka sii wadata ayaa sheegtay in Somaliland aanay marnaba la fariisan doonin shaqsiyaad ay sheegtay in lagu tuhmayo xasuuq ama dhibaatooyin u geystay shacabka Somaliland.

“Dadka wadahadlaya waa iney ahaadaan dad matalaya Labada umadood oo aanay noqon dad godob ama xasuuq lagu haysto oo burbur iyo dhibaato ka qeybgalay in hadana la yiraahdo wadahadal baa lala galayaa caqliga ma galeyso”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in dib loo furo wadahadalladii Somaliland oo hakad ku jiray Saddexdii sano ee ugu dambeysay.

Goobjoog News