U bood dhigaalka

Somaliland oo si Rasmi ah Loo soo Afjaray Qaadashada Kaarka Codbixiyeyaasha

Sheeko:Dalka

Munaasabad  ay soo qabanqaabiyeen guddiga doorashooyinka Somaliland oo ay ka qeybgaleen madaxda ugu sarreysa ee maamulka ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa taas oo looga dhawaaqay gabagabeynta qaadashada kaarka codbixiyeyaasha.

Munaasabaddan ayaa waxaa ugu horreyn warbixin ku saabsan soo gabogabeynta diiwaangelinta codbixiyeshaasha laga dhageysta guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo sheegay iney diiwaangelinta codbixiyeyaasha si rasmi ah u soo gabagabeeyeen.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Fartoon) oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxa uu xusay in diiwaangelintani ahayd tii ugu horreysay ee gobollada Somaliland oo dhan laga wada qabto, waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoo intaa raaciyaya in wasaaradiisa iyo hay’adaha amnigu ay si habsami leh howshaa u wada guteen.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo soo gabagabeeyay munaasabaddan ayaa waxa uu sheegay in diiwaangelinta codbixiyeshaasha Somaliland ay ku qabsoontay si qiimo leh, isagoo si guud ammaan ugu soo jeediyay hawlwadeenadii diiwaangelinta oo shaqo wanaagsan qabtay, waxaanuu ballan qaaday in xukuumadiisu aaney waxba kala hareyn sidii doorasho xor iyo xalaal ah uga hirgeli lahayd maamulka.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu aad u ammaanay kaalinta beesha caalamaku ay ka qaadatay diiwaangelinta, waxaanuu yiri;

“Waxaan uga mahadnaqayaa dalalka deeq bixiyeyaash aynu saaxiibka nahay ee UK, EU, taageeradii ay inaga siiyeen diiwaangelinta codbixiyeyaasha, Libaax nin galaday  iyo nin galayba og,  dalalka aynu saaxiibka nahay way nagu leeyihiin talo iyo tilmaan, waxaan u haynaa qadarin iyo ixtiraam weyn, wixii ay ina tareenna waan uga mahadnaqeynaa”.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhanka kale sheegay in doorashada madaxtooyada ee soo aaddan kharashka xukuumadda laga rabo uu yahay Sideed Milyan ( 8.000.0000) oo dollar oo u dhiganta 80% kharashka guud ee doorashada, sidaa darteena ay tahay in mustaqbalka la isku tashado oo kharashka doorashada ay xukuumaddu wada bixiso.

Soo gabagabeynta qaadasha kaarka codbixyeyaasha Somaliland ayaa muujineysa in laga gudbay caqabad hortaagneyd in doorashada madaxtooyada ay ku qabsoonto wakhtigii loogu talogalay ee 28.03.2017 loo ballan san yahay.

Goobjoog News