U bood dhigaalka

Somaliland oo Soomaaliya Ku Eedeysay Faro Gelinta Arimaha Gudaheeda

Sheeko:Caafimaadka

Somaliland ayaa dawladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay in ay faro galin ku hayso arrimaheeda gudaha, gaar ahaan xaaladaha la xariira tira koobka cudurka COVID-19,kaas oo kiisas la xariira ay shaacisay dowladda Soomaalia.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Koorre oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wasaradda caafimaadka Soomaaliya ay dadkii laga helay Coronavirus ee deegaanada Somaliland ay ku dartay dadka laga helay COVID-19 ee ku nool koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland dhankooda aysan diyaar u aheyn in waqtigaan la siyaasadeeyo xaaladaha la xariira cudurka COVID-19 oo magaalooyinka  Muqdisho iyo Hargeysa lagu arkay kiisas , lakiin Somaliiland ayaa sheegtay in dowladda federaalka ay siyaasadeyneyso arrimaha la xariira kiisaska cudurka COVID-19.

Sidoo kale wasiirka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaa soo hadal qaaday qaadka kasoo dega deegaanada Somaliland, ee badankiisa laga keeno wadanka Itoobiya waxaana uu qiray in Qaadka uu khatar uu ku yahay bulsha, balse aysan awoodin in ayjoojiyaan.

Hadalka ka soo yeeray Somaliland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iayadoo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay warbixinteedii ugu dambeysay ku sheegtay in 35 kiis oo cusub oo Coronavirus ah ay ka diiwaan gelisay dalka, waxaana dadkaas qeyb ka ahaa seddax ruux oo ku nool deegaanada Somaliland magaalada Hargeysa iyo Togdheer.

Goobjoog News