U bood dhigaalka

Somaliland Oo Soomaaliya Sacuudiga Ku Dacweysay

Sheeko:Amniga

Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ayaa dacwo ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbisay dowladda Sacuudiga, taas oo ay ku sheegtay in qaybsashada tirada xujayda sanadkaan hoos looga dhigay.

Wasiirka arrimaha diinta Somliland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay gacan togaalaysay tirada dadka Xajka aadayo sanadkaan.

Dowladda Sacuudiga oo sanadkaan ugu talagashay in ay xajiyaan 5 kun boqol iyo lix qof oo Soomaali ah, ayaa Somaliland laga siiyay 350 qof.

Xukuumadda Hargeysa ayaa sheegtay in ay xaq u laheyd oo ay filaysay in la siiyo 40%, tirada loogu talagalay in ay Soomaalidu ka soo xajiyaan.

Somaliland ayaa dacwad ka dhan ah u gudbisay xukuumadda Riyaad .

Goobjoog News