U bood dhigaalka

SOMALILAND OO U DABBAAL-DEGEYSA MADAX-BANNAANIDEEDA AQOONSI LA’AAN.

Sheeko:Dalka

HARGEYSA, SOMALILAND—Maamulka sida iskiis ah goonida isu-taagay ee Somaliland ayaa maanta u dabbaal-degaya 28 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqeen inay ka go’een Soomaaliya. Ma jiro dal illaa hadda u aqoonsaday Somaliland qaran madax-bannaan laakiin caasimadda Hargeysa ayaa si weyn looga dareemayaa diyaar-garowga munaasabadda.

Xildhibaan Cabdi-raxmaan Cartan ayaa isagoo dhex-fadhiya baarlamanka Somaliland sharraxay halganka dalkiisu ugu jiro inuu helo aqoonsi caalami ah wuxuuna yiri:

“Waxaa jirta xaalad gaar ah oo ay tahay in Somaliland lagu aqoonsado, waana arrin sharci ah in la eego waxa u qabsoomay Somaliland iyo sida dadka Somaliland ay u noqdeen dad madax-bannaan oo xor ah waxayna xaq u leeyihiin inay ka mid noqdaan bulshada caalamka.”

Waddooyinka magaalada Hargeysa ayaa lagu arkayey wajiyo lagu xardhay astaamaha Somaliland iyadoo kummannaan dad ah ay isugu imaan doonaan fagaaraha xorriyadda si ay ugu dabbaal-degaan sannad-guuradii kasoo wareegtay maalintii Somaliland ay ku dhawaaqday inay iskeed uga go’do Soomaaliya.

Iyadoo ay jirto aqoonsi la’aanta beesha caalamka, dadka Somaliland sida arday reer Hargeysa ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi ayaa wali ku taamaya in maalintaas la gaari doono. “Sida annagu aan isku aragno waxaan nahay dad madax-bannaan, taasina waa  sababta aan ugu faraxsannahay inaan aragno dad badan oo u dabbaal-degaya maalintan taariikhiga ah,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi.

Somaliland oo Ingiriisku horey u gumeystay ayaa xorriyaddeeda qaadatay sannadkii 1961 shan maalmood kaddib markii Muqdisho ay ka xorowday dalka Talyaaniga  Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay gooni ka noqoto Soomaaliya markii jabhado hubeysan ay xukunka ka tuureen madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo dalka ka arriminayey 21 sano.