U bood dhigaalka

Somaliland Oo u Digtay Puntland

Sheeko:Amniga

Somaliland ayaa sheegtay in Puntlad ay bilowday daandaansi ay ku dooneyso in mar kale dagaal dib uga dhex bilowdo Labada dhinac.

Gaashaanle C/raxmaan C/laahi Xasan oo ah afhayeenka ciidanka Somaliland ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay Labo jeer weeraro kusoo qaadeen ciidankooda oo ku kala sugnaa gobollada Sanaag iyo Bari.

Waxa uu sheegay in haddii aanay Puntland joojin daandaansiga ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay dhankooda tallaab u qaadi doonaan.

“Puntland Labo jeer ayeey ciidankeena soo weerartay balse waan erinnay, waxaan leenahay haddii aadan joojinna waxaad waddaan tallaab cad ayaan qaadi doonnaa” ayuu yiri afhayeenka.

Dagaallo ayaa shalay ka dhacay deegaanno ka mid ah gobollada Sool iyo Sanaag, iyadoo Somaliland ay dagaalladaasi ku sheegtay iney kusoo qaadeen ciidanka Puntland.

Goobjoog News