U bood dhigaalka

Somaliland Oo U Digtay Warbaahinta Gudaha

Sheeko:Amniga

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa loogu digay warbaahinta ka hawlgasha Somaliland in aysan baahin Karin  warar aan ka soo bixin guddida nabadeynta ee Ceel-afweyn .

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Warbaahinta ka howlgasha Somaliland aysan tabin Karin xaaladda ka jirta deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Somaliland ayaa u qoran sidaan:

“siraha ciidammadu waxay ka mid yihiin waxyaabaha ka reeban saxaafaddu inay wax ka qorto ama ka tebiso fasax la’aan, waana mid ay ka siman yihiin warbaahinta dunidda oo dhan, waayo waxay  xeeriyaan shuruucda iyo anshaxa saxaafadda, waxayna iska ilaaliyaan   wax kasta oo la xidhiidha hawlaha ciidammada, waxaanay   baahiyaan kaliya wixii warar ah ee ka soo baxa talisyadooda.

Sidaas awgeed, waxaanu ku wargelinaynaa, kuna adkaynaynaa saxaafadda ka hawlgasha JSL inay ka waantoobaan  wax ka sheegga  hawlaha ciidammada siiba xaaladda dagaal ee ka taagan Tuka-raq ee ay isku horfadhiyaan   ciidanka qaranka iyo ka Soomaaliya.

Wararka kaliya ee laga tabin karaa jiidaas dagaalku ka taagan yahay ee Tuka-raq waa midka ka soo baxa taliska ciidanka ama xukuumadda, waxaana reebban in warar malo-awaal iyo kuwo laga soo xigtay meelo kale oo aan ahayn ilaha rasmiga ah laga sii daayo  guud ahaan warbaahinta dalka”.

Goobjoog News