U bood dhigaalka

Somaliland oo Ujawaabtay Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo Ka Hadlay Saldhigga Milatari ee Berbera

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa si adaga uga jawaabtay hadal ka soo yeeray hanti-dhowraha Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ku cambaareeyay heshiiska saldhigga milatari ee Imaaraadka loogu ogolaaday Somaliland, waxba kama jiraanna ku tilmaamay.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay faraha kula jirto arrimo ka dhan ah nabadda iyo wada-jirka, danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee Somaliland, waxaanuu u qornaa sidan:

War-saxaafadeed

Jamhuuriyadda Somaliland waxay si weyn ula socotaa in Xukuumadda ka talisa Villa Somalia ay si toos ah iyo si dadbanba gacanta ugula jirto arrimo ka dhan ah Nabadda, Wada-jirka, Horumarka, Danaha Dhaqaale iyo kuwa Siyaasadeed ee Qaranka Somaliland. Dawladda iyo Shacabka JSL waxay og yihiin si weyna isha ugu hayaan fadqalalooyinka qorshaysan ee ay Xukuumadda Xamar soo abaabulayso taasoo ay uga dan leedahay in khal-khal lagu geliyo Nabadda, Deganaanshaha, Horumarka iyo Dimuqraadiyadda ka hana-qaaday Somaliland. Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si cad oo aan gabasho lahayn ugu foogan tahay carqaladaynta tallaabo kasta oo uu Qaranka JSL xagga wanaagsan u qaado.

Dawladda Jam. Somaliland waxay si adag u cambaaraynaysaa hadalkii Riyada, Indha-adayga iyo Meel-ka-dhacaba ahaa ee ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya (14.02.2017-ka), taasoo ay si qaawan oo aan xishood lahayn ugu faro gelisay Heshiiska dhex maray Dawladaha Jam. Somaliland iyo Imaaraatka Carabta ee la xidhiidha Saldhiga Milatari ee laga hirgelinayo Marsada Caalamiga ah ee Berbera.

Hadalka ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya waa mid gef, meel ka dhac, faro-gelin iyo aflagaadaba ku ah Qarannimada iyo jiritaanka Jam. Somaliland iyo shacabkeedaba. Hadalka ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya wuxuu ahaa hadal si toos ah loogu faro-gelinayo nabadda iyo degenaanshaha Somaliland oo salka ku haya hurin colaadeed, iska horkeen shacab iyo aafo la kala dhex-dhigo Ummadda Jam. Somaliland ee ku sifowday samaha iyo nabad ku wada noolaanshaha.

Sidoo kale, Hadalka ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya wuxuu ahaa mid eedo culus loogu soo jeedinayo isla markaana lagu weerarayo Dawladda Imaaraatka Carabta. Xukuumadda Soomaaliya waxay Dalka Imaaraatka Carabta ku sifaysay Dawlad faro-gelin joogto ah ku haysa geyiga Soomaaliyeed isla markaana gashay heshiis sharci darro ah. Xukuumadda Soomaaliya waxay Dalka Imaaraatka Carabta si qaawan ugu eedaysay in Dawladda Imaaraatku ay ku hawlan tahay kala qaybin, kala qoqobis iyo xasarad-oogis ay ka wado geyiga Soomaaliyeed isla markaana ay mar walba duullaan qaawan ku soo qaadayso dalka iyo degelka Soomaaliyeed.
Waxa xusid mudan in dawlada imaaraatka carabtu ay tahay dawlad hiil iyo hooba marwalba la garabtaagan dalka soomaaliya, isla markaana ka caawisay dhinaca horumarka, binu-aadanimada iyo dhisitaanka dawladnimada soomaaliya loo dhisay. Sidaasi darteed hadalkan ka soo yeedhay xukuumadda Soomaaliya ee ay ku eedaysay in dawlada imaaraatka carabtu ay soomaaliya qas ka wado, waa mid abaal gad ku ah samaha iyo waxtarka ay dawladda imaaraadka carabtu u geysatay dalka soomaaliya.
Xukuumadda ka talisa Villa Somalia waxaanu leenahay: “Jam. Somaliland waa dal madax bannaan oo aan sinaba uga mid ahayn maamul goboleedyada gacan-ku-rimiska ah ee hoos yimaada waxa loogu yeedho Nidaamka Federaalka. Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland maaha wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse waa mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka ay qaateen shacbi-weynahayagu. Dawladda Jam. Somaliland oo ku fadhida codka iyo kalsoonida shacabka ayaa xaq u leh inay gasho oo ay sexeexdo heshiis kasta oo Caalamiga ah oo ay ku jiraan danaha iyo masaaliixda dalka iyo dadka JSL.”

Somaliland waa dal muddo dheer ku naaloonayey nabadgelyo, degenaansho iyo dimuqraadiyad taam ah oo ku abtirsata nidaamka soo jireenka ah ee ummaddayadu ay dhaqanka u leeyihiin kaasoo ah wada-tashi, is qancin, isu-tunaasul iyo talo-wadaag. Xukuumadda ka talisa Villa Somalia waxaanu leenahay: “Shacabka iyo Dawladda Somaliland cidina uma yeedhiso sida ay doonayaan iyo waxa ay yeelayaan. Anaga ayaa leh go’aaminta halka ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha ummaddayadu. Heshiiska ay Dawladda Imaaraatka Carabtu Saldhiga Milatari kaga dhisanayso Marsada Caalamiga ah ee Berbera haba yaraatee maaha mid Xukuumadda Soomaaliya loo daba fadhiisanayo, meeli uga bannaan tahay ama ay wax ka bedeli karto.”

Jamhuuriyadda Somaliland waxay u aragtaa in danta iyo maslaxadda Ummadda ku hadasha Afka-Soomaaliga ee ku dhaqan Geeska Africa ay ku jirto Xasarad la’aan, Is xaq dhowr iyo in lagu wada noolaado Nabad, Niyad sami iyo Deris wanaag. Colaado sokeeye, Cadaalad daro iyo Caqli gurracani waa arrimaha Soomaali kala irdheeyey ee dhex dhigay aafada, aramida iyo utunta ilaa haatan aloosan. Hore ayaa loo yidhi “Belo daaman la qabto ayey leedahay ee dabo la qabto maleh’’. Dawladda Somaliland waxay ka digaysaa in dib loo huriyo colaado uu dhiig ku daato iyo dadka dhibaato la dhex-dhigo.

Guntii iyo geba-gabadii, Dawladda Jam. Somaliland waxay baaq dheer u diraysaa Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacada Carabta, Urrurka Dalalka Islaamka iyo dhamaanba Dalalka ku Midoobay Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa inay si cad wax uga qabtaan fara gelinta qaawan ee ay Dawladda Soomaaliya ku hayso arrimaha Jam. Somaliland.
Bulshada Caalamka waxaanu u sheegaynaa in Xukuumadda Muqdisho ay ku hawlan tahay qorshe dhagaraysan lagu khal-khal gelinayo Qarannimada, nabadda iyo deganaanshaha Jam. Somaliland. Bulshada Caalamka waxaanu uga digaynaa hurinta colaado hor leh oo uu dhiig badani ku daato iyo dadka oo dhibaato la dhex-dhigo. Falalka dhagaraysan ee ay wado Xukuumadda aan xil-kaska-ahayn ee Muqdisho ka dhisani waa kuwo Gobolka Geeska Afrika ku keeni kara colaado hor leh iyo degenaansho la’aan baahsan oo aan cidna dan u ahayn.

Xuquuqda aasaasiga, Xuduudaha, Danaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee Jamhuuriyada Somaliland waa lama taabtaan, ummaddayaduna waxay mar kale diyaar u yihiin in ay nafta u huraan difaaca dhulkooda hooyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Maalinimadii shalay ayaa Dr. Nuur Faarax Jimcaale, Hanti-dhowraha Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay heshiiska ay Imaaraadka maamulka Somaliland kula galeen saldhigga Militari ee Berbera.

Goobjoog News