U bood dhigaalka

Somaliland Oo Wakiil Cusub u Magacaabatay Itoobiya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa wakiil cusub u magacaabay dalka Itoobiya, si loo dardar geliyo xiriirka dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Siilaanyo ayaa xilkaasi cusub waxaa loogu magacaabay Aadan Jaamac Galalaal, oo lagu sheegay wareegtada in xilkaasi uu kasoo bixi karo.

Wareegtada ayaa sidaan u qorneyd:-

Madxaweynaha markii uu arkay qodobka 90-aad farqadiisa Sedaxaad, xarafka R ee Dastuurka Somaliland

Markii uu tixgeliyay Ahmiyadda wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka dibadda u leeyihiin dhismaha qaranka.

Markii uu arkay buuxinta jagada wakiilka Somaliland ee Itoobiya.

Markii uu ka fiirsaday kartidiisa, shaqadiisa iyo hufnaantiisa shaqo

Markii uu ku qancay in uu hanan karo xilka loo magacaabay, ayaa waxa uu go’aan saday in mudane Aadan Jaamac Galaal, taariikhda maanta laga bilaabo ahaado wakiilka Somaliland ee Itoobiya.

Nimco Baashe Cabdi

Goobjoog News

Hargeysa