U bood dhigaalka

Somaliland oo xisbiyada Mucaaradka ku eedeysay in ay Mucaarad ku yihiin Somaliland

Sheeko:Amniga

Xukuumadda Somaliland ayaa dhankeeda ka hadashay go’aanka ka soo yeeray xisbiyada Mucaaradka ee WADANI iyo UCID, kaas oo ay ku cadeeyeen mowqifkooda ka dhanka ah dhamaadka xilhaynta madaxweyanaha waqtiga uu ka dhamaaday Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, ayaa xisbiyada ku eedeyay in ay ka soo horjeedaan horumarka iyo hana qaadka Somaliland.

“Waxaa ayaan-daro ah in Dadkii Dalkaan ka doonayay in ay Xukumaan ee Ummadda codka ka doonayay ay yiraahdaan Dalkaan Doorasho kama jirto, Xisbiyadu waxa ay Mucaarad ku yihiin Qaranka Somaliland” Wasiir Kaahin.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada Booliiska Somaliland ayaa dhankiisa sheegay in aysan booliiska aqbali doonin in banaanbaxyo laga dhigo deegannada Somaliland.

“Booliisku waxa ay isu yimaadaan Qofka shuruucda dalka kahor yimaada, Dadka faraha la gala Amni darro, Dadka wixii soo baxa ee khaladaad nooca uu doono ha ahaado sameeyo way is arkaan, Dadka kale wuu ilaaliyaa, Qof webilow gurigaaga ku jir, Qof welibow Shaqadaada qabso oo Amniga garab istaag” S/Guuto Maxamed Aadan Saqadhi.

Hadalkan ka soo yeeray mas’uuliyiinta ayaa ku soo aaday xilli xisbiyada UCID iyo WADANI ay sheegeen in aysan aqoonsaneen nidaamka uu waqtiga ka dhamaaday ee Muuse Biixi.

Goobjoog News