U bood dhigaalka

Somaliland oo Xukun Dil ah Ku Fulisay Lix Eedeysane

Sheeko:Amniga

Somaliland ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa ay toogasho ku fulisay lix nin, kuwaas oo  horay maxkamadaha Somaliland  ay dil ugu xukumeen , kadib markii  lagu eedeeyey dilal ay horay u geeysteen.

Raggaan eedeysanayaasha ah ayaa waxaa ay ku xirnaayeen xabsiga dhexe, waxaana loo qaaday deegaan Mandheera ee gobolka Saaxil si dilka loogu filyo xukunka toogashada ah ,

Magacyada ragga la toogtay.

1- Yaasiin Maxamed Yuusuf

2-Sharmaarke Sahal Oogle

3-Quulle Maxamed Cilmi

4-Khaalid Cabdi Xaydar

5-khadar Maxamed Warsame

6-Cabdikariim Maxamed Mahdi.

Goobjoog News