U bood dhigaalka

Somaliland: Puntland Cadow Badan Ayaan Wada-Leennahay

Sheeko:Dalka, War

Taliyaha ciidanka millatariga Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani ayaa maamulka Puntland ugu baaqay in la ilaaliyo nabad-galyada iyo jaarnimada.

General  Nuux Taani oo ay weheliyaan taliyaaasha ciidamada booliska Cabdullahi Fadal Iiman iyo asluunbta Maxamed Cusmaan Caalin(xudhuun) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa yidhi:

“Annaku waxaanu jecelnahay nabad iyo jaarnimo inaan ku wada noolaanno, waayo dantayada aya ku jirta oo cadow badan ayaan oo guud ayaanu wada leennahay khilaafka labadayada naga dhex dhacaana wuxuu abuurayaa in dadka kale ay ka faa’idaystaan”.

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in xadka Somaliland ay la wadaagto Puntland uu yahay mid sugan isla markaana aanay jirin cid kusoo xad-gudbaysaa isaga oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri “Anigoo taliyaha ciidanka qaranka ah ciidamadayduna xaggaa joogaan xadkaas wuu sugan yahay cid xadka Somaliland kusoo xad-gudbi kartaa ma jirto Puntlandna kama filanayno”.

Maamulka Puntland ayaa horay uga digay in ay doorashooyinka Somaliland ka dhacaan Sool iyo Sanaag iyo Ceyn oo ah gobollo labada qeyb isku heystaan.

Doorashada madaxtinnimada Somaliland ayaa lagu wadaa in berri ka dhacdo dhammaan gobollada ay maamusho Somaliland.

Arrimaha Doorashada, Kala Soco Goobjoog News,