U bood dhigaalka

Somaliland: Rabshado ay Ku Waxyeelloobeen Ku Dhawaad 30 Qof oo Ka Dhacay Hargeysa Stadium

Sheeko:Dalka

Magaalada Hargeysa ayaa maalinimadii shalay waxaa ka dhacay rabshado xooggan oo ay ku waxyeelloobeen ku dhawaad 30 qof garoonka ciyaaraha ee Hargeysa Stadium oo lagu daawanayay ciyaar ka mid ah tan gobollada Somaliland.

Rabshaddan garoonka ka dib waxaa saxaafadda la hadlay taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan oo ugu horreyn sheegay qaabkii rabshaddu u bilaabatay, waxa uuna yiri:-

“Waxaa ku wada ciyaarayay garoonka Hargeysa Stadium gobollada Howd iyo Daadmadheedh, ciyaartu markii ugu horreysay si wanaagsan bay u socotay, markii Gool labaad laga dhaliyay Howd ayaa taageeraashii waxay si xamaasadeysan u bilaabeen buuq, ciyaartoyda qaarbaa is gacan saaray, shiid(dhagax tuur) baa dhacay, markaa ciidanka booliska oo ammaanka ilaalinayay waxay rideen Gas, waxaa dhacay xoogaa is jiidh ah”.

Taliyuhu waxa uu intaa ku daray in waxyeellada ka dhalatay rabshaddan ay tahay 12 qof oo shacab ah iyo 15 qof oo boolis ah kuwaas oo dhaawacyo kala duwan soo gaaray:

“Waxaan soo marney cusbitaalka Hargeysa waxaanu ku soo aragnay 12 qof oo shacab ah oo dhaawacyo soo gadhay, dhaawacyadaas oo kala ahaa qaar la jiidhay, qaar dhagaxaan ku dhacday iyo dhowr qof oo xabbado ah, ciidanka booliska ahna 15 ayaa dhaawac ah oo midi xabbad yahay illaa 3 ay yihiin dhaawac culus oo madaxu jaban yahay”.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud ‘Faratoon’, ayaa rabshadda garoonka Hargeysa Stadium ku tilmaamay mid wax u dhimeysa u jeedkii laga lahaa ciyaaraha ee ahaa xoojinta nabadda iyo is dhexgalka bulshada, waxa uuna yiri:-

“Magaalada Hargeysa garoonka ciyaaraha maanta waxaa ka dhacay arrin aad u foolxun oo shacabka Hargeysa ee kubaddaa daawanayay dhaliil weyn ku muteysteen oo ka soo horjeedda dhaqanka ilbaxnimada iyo ujeedooyinkii laga lahaa qabanqaabada iyo abaabulka ciyaaraha gobollada”.

Si kastaba, waxaa si habsami leh maalimihii lasoo dhaafay Hargeysa Stadium uga socday ciyaarihii gobollada Somaliland, iyadoo aan la ogeyn rabshaddani waxa ay ka bedeli doonto habsami u socodka ciyaaraha gobollada Somaliland.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada