U bood dhigaalka

Somaliland: Salaadiin Ku Eedeysay Xukuumadda Iney Hurineyso Dagaal Beeleedka Ceel-afweyn

Sheeko:Dalka

Suldaan Cabdiraxmaan Good oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland, ayaa a sheegay in Xukuumaddu madaxweyne Siilaanyo hor is taagtay inay u gurmadaan oo heshiisiiyaan  labada Beelood ee dagaalku ku dhexmarayo deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel-afweyn, waxaanuu sheegay iney taa u arkaan in ay xukuumaddu ka soo horjeeddo heshiis ka dhex dhashay beelaha walalaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka.

Suldaan Cabdiraxmaan Good oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumaddu u diidday inay ka baxaan Hargeysa arrintaasi oo uu isagu ku sababeeyey inaysan  dawladdu raalli ka ahayn nabad ka dhalata deegaankaasi oo dhibta lafteeda ay qayb ka tahay, waxaanuu yiri;  “  Aniga iyo salaadiin kale si cad ayaa la yiri ma bixi kartaa deegaanda ma tagi  kartaan  wax cadna nalooma sheegin waana ceeb in colaad nabad laga doorsado “ ayuu yiri Suldaan Good oo  ka mid ahaa Lix suldaan oo xukuumadda u soo jeediyay eedeynta.

Suldaan Siciid Yuusuf oo isna ka mid ah madaxda dhaqanka  beelaha dirirsan ee Ceel-afweyne  ayaa sheegay inay tahay arrin ugub ah in nabad qof sida loo diido iyada oo xaaladii colaaduna sii hurayso,  waxaanu yiri “ Anaga ayaa odayaashii ah dhaqanka ee cidkasta wax ka qaadanaysay  mana jirto sabab loo diido qof leh nabad hala dhaliyo  in la isku canaanto maahee maxaa loo dedaali waayey”

Deegaanka Ceel-afweyn oo muddo todobaad ah ay dirir dhex taalay Labo beelood oo wada dega  ayaa waxay labada dhinac iska dileen dadka badan 18 qof halka tobanaan kalena ay iska dhaawaceen,  xukumadda Somaliland ayaa sheegtay inay u dirayso  wefti wasiirro ah, iyadoo halkaa Labo maalin ka hor  ay gaareen ciidamo  dawlada ka tirsani, ayaa hadana waxaa wali taagan saansaantii colaadda  , oo dadku waxay qabaan casbi waxaana wali la isku adeegsanayaan xabado goos-goos ah.

Goobjoog News