U bood dhigaalka

Somaliland: Shacabka Oo Saakay u Dareeray Goobaha Codbixinta Ee Doorashooyinka (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Shacabka Somaliland ayaa saakay oo Isniin ah waxay u dareereen goobaha codbixinta doorashooyinka, waxaana qof walba uu codkiisa siin doonaa mid kamid ah Saddexda musharrax ee tartamaya.

Codbixinta ayaa bilaabantay saakay abaare 6-dii subaxnimo, iyadoo la arkayey illaa xalay saq dhexe dad kusoo qulqulayey goobaha codbixinta si aanay safafka ugu dheeraan. doorashudana waa qof iyo cod.

Ammaanka guud ee Somaliland ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo dhanka kale ay jirto wacyigelin loo sameynayo dadka shacabka ah si ay nabadda u ilaaliyaan.

Doorashadan waxaa ku tartamaya musharraxiinta kala ah Muuse Biix oo ka socda xisbiga Kulmiye, C/raxmaan Cirro oo ka socda xisbiga Wadani iyo Faysal Cali Waraabe oo isna ka socda xisbiga UCID.

Loolanka ugu adag waxa uu ka dhaxeeya xisbiyada Kulmiye iyo Wadani oo wacdaro dhigay maalmihii ololaha doorashada.

Halkaan hoose ka daawo sawirada:

Goobjoog News

DSC_1151 DSC_1150 DSC_1149 DSC_1148 DSC_1147 DSC_1146