Somaliland: Shaqaale Sri Lanka U Dhashay Oo La Musaafurinayo
Dawladda Sri Lanka ayaa sheegtay in 12 shaqaale oo Qaxooti ahaa una dhashay dalkaas islamarkaana ku sugnaa Magaalada Hargeysa dib loogu celinayo dalkooda.
Arrintan ayaa timid kaddib markii Shaqaalaha u dhashay Sri Lanka iyo Xukuumadda Somaliland uu kala dhexgalay muran dhinaca xeerarka shaqada ah, taasna ay sababtay dib u celintooda.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Sri Lanka ayaa sheegay in Safaaraddooda Addis ababa ay kala shaqayneyso Hay’adda IOM sidii dadkaas dib ugu laaban lahaayeen dalkooda.
IOM-ta ayaa cidda ay la shaqeeyaan kala hadashay sidii kooxdan arrimaha muranka dhaliyay iyo sidii ay nabad ugu noqon lahaayeen.
Dhinaca kale, Goobjoog News ayaa la xiriirtay wasaaradda shaqo-gelinta Somaliland iyada oo sheegtay in aaney arrinkan waxba kala socon.
Goobjoog News, Somaliland.