U bood dhigaalka

Somaliland “Shaqo Kuma Lihin Xeerka Isgaarsiinta Ee Horyaalla Baarlamaanlka Soomaaliya”

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadashay xeerka Isgaarsiinta dalka ee horyaalla baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradaasi Maxamed Jaamac oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in lasoo fara geliyay arrimaha ku aadan furaha Soomaaliya ee 252, oo uu tilmaamay in uu ka quseeyo waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaana uu sheegay in xeerkaan aanu marnaba shaqo ku lahayn ka wasaarad ahaan.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in aanu wax shaqo ah ku lahayn xeerka Baarlamaanka Soomaaliya yeella ee Isgaarsiinta, anaga waxa inaga quseeya waa furaha 252 oo aan wada wadaagno, sidaa darteed anaga dal gaar ah baan nahay, xeer Isgaarsiin weynu ansixinay 2010-kii, sidaa darteed caalamka oo dhan waxaan u sheegaynaa inaan xeerkaasi waxba inaga quseen” ayuu yiri wasiirka

Dhinaca kale wasiir Jaamac ayaa sheegay in hadii ay dhacdo wada hadal loogu daneynayo Labada Shacab la’isugu yimaado ay macquul tahay in wax la’is wada fahamsiiyo, balse aysan aqbali doonin in xeerkaasi lagu qasbo.

Xeerka Isgaarsiinta dalka ayaa horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu marayaa akhrintiisa Labaad.

Goobjoog News