U bood dhigaalka

Somaliland: Tacaddiyadii ka Dhanka ahaa Xuquuqda Aadamaha ee Sanadkan 2017ka oo Hargeysa Lagu soo Bandhigay

Sheeko:Dalka

Xarun arrimaha xuquuqul insaanka ah ayaa soo bandhigtay warbixin sadeedka 2017 ee xaaladda xuquuqda Aadamaha ee Somaliland iyo gabood-fallada ay diiwaangaliyeen ee sanadkan sii dhamaanaya ee 2017-ka.

Munaasibadda lagu soo bandhigayay warbixin sanadeedka xaaladda xuquuqda aadamaha ayaana waxa kasoo qayb-galay, madaxda ururada maxalliga ah ee Somaliland, weriyeyaal, qareenno iyo qaar kamid ah difaacayaasha xuquuqda aadamaha.

Tacaddiyada ka dhanka xuquuqda aadamaha ee sanadkii 2017ka ka dhacay Somaliland ee ay diiwaangalisay xarunta xuquuqul insaanka Somaliland isla markaana lagu soo bandhigay wabrixin sanadeedkan 2017ka ayaa waxa kamid ah tacaddiyo ay ciidamada boolisku u gaysteen dad shacab ah oo mudaharaaday muddadii lagu gudo jiray doorashada, iyadoo tacaddiyadaasi ay ku geeriyoodeen dad shacab ah.

Sidoo kale, xarunta xuququl insaanka madaxa bannaan ee Somaliland waxay soo bandhigtay tacadiyada ka dhanka ah; Dumarka, beelaha la hayb sooco, difaacayaasha xuquuqda aadamaha, Xadhiga ka dhanka siyaasiyiinta Mucaaridka ah iyo tacaddiyada ka dhanka saxaafadda oo qaar kamid ah hay’adaha warbaahinta Somaliland ay xidhan yihiin muddo sanado ah.

Guuleed Axmed Jaamac, Guddoomiyaha xarunta xuquuqul insaanka Somaliland ayaa ka warbixiyay tacaddiyada sanadkan ee ay soo bandhigtay xaruntoodu ayaa waxa uu rajo ka muujiyay in tacaddiyada ka dhanka xuquuqda aadamaha ay dawladda cusub ee madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi ay wax badan ka qaban doonto, isagoona ka codsaday in warbaahinta xayiran laga qaado xariyaaradda isla markaana la joojiyo cabudhinta iyo tacaddiyada ka dhanka ah saxaafadda.

Goobjoog News