U bood dhigaalka

Somaliland: Tirinta Codadka Doorashada Oo Socota

Sheeko:Dalka

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Somaliland ayaa waxay sheegayaan iney socoto haatan tirinta codadka doorashooyinkii ay shacabka u dareereen.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegaya in haatan meel dhammad ah ay u mareyso tirinta cododka, balse aanay kasii hordhaceyn natiijada iyo sida loo kala horreeyo.

Waxaa gabi ahaanba hawada laga saaray baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter, waxaana sababta lagu shegay in la diidayo faafinta warar been abuur ah oo natiijada doorashada ku saabsan.

Shacabka Somaliland ayaa aad ugu dhego taagaya natiija iyo sidoo kale cidda guuleysatay.

Warar hordhac ah oo soo baxaya waxay sheegayaan iney aad isku hayaan Labada xisbi ee kala ah Kulmiye iyo Wadani.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkena kale

Goobjoog News