U bood dhigaalka

Somaliland: Waddani Oo Joojiyay Wada-shaqeyntii Uu La Lahaa Guddiga Doorashada

Sheeko:Dalka

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo warbaahinta goordhaweyd kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay joojiyeen wada-shaqayntii ay la lahaayeen guddida doorashooyinka Somaliland kaddib markii ay ka jawaabi waayeen cabashooyin ay u gudbiyeen.

Dr. Maxamed Yaasiin, Cismaan Afgaab iyo Xuseen Axmed Caydiid oo ah xubnaha xisbiga Waddani u qaabilsan Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa soo bandhigay waraaqo ay ku sheegeen ku been ah abuur ah oo lagu codeeyay doorashada iyagoona sheegay in deegaanada qaar lagu shubtay Doorashada.

Goobjoog News