U bood dhigaalka

Somaliland: Wariye Coldoon oo Maxkamad lasoo Taagayo, Digniin Loo Diray Suxufiyiinta

Sheeko:Dalka

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada hargeysa ayaa hanjabaad u diray saxaafadda, wariye Coldoonna sheegay in maxkamad lasoo taagayo.

Wasiirka ayaa ugu horreyn shirkiisa jaraa’id ku dhaleeceeyay laanta Af-Soomaaliga ah ee BBC oo uu ku tilmaamay iney ka leexdeen dhexdhexaadnimadii:

“Shirkeygan Jaraa’id waxaan rabaa inaan kaga hadlo dhowr arrimood oo ay ugu horreyso BBC-da oo dhex dhexaadnimadii iyo wararkii xaqiiqada ku dhisnaa ee lagu yaqaanney ka baydhay oo u leexatay iney noqoto mid dhinac ka raran iyo warar aan jirin oo dacaayar ah iney ka faafiyaan Jamhuuriyadda Somaliland”.

Waxa uu ku eedeeyay iney buunbuuniyaan dhacdooyin yaryar oo aan sidaa u sii buurneyn:

“Waxay buunbuuniyaan dhacdooyinka yaryar ee aan xidido dheer lahayn Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo daaha saara wixii horumar iyo waxqabad ah ee wanaagsan ee ka jira Somaliland, waxay had iyo jeer qabanqaabiyaan oo ay soo xushaan inta caanka ku ah naceybka qadaiyadda Somaliland, iyo arrin kasta oo ay ku kala aragti duwan yihiin siyaasiinta oo ah qeybo ka mid ah tiirarka dimuqraadiyadda”.

Waxa ii wasiirku sheegay iney ilgaar ah ku ahayaan baraha bulshada iyo waxyaabaha lagusoo bandhigo:

“Qof kasta oo Somaliland joogana waa ogyahay waxyaabaha uu ku kacayo iyo waxa uu ku jiro ee barihiisa bulshada uu kusoo bandhigayo, isagana eedaysanahaa waxaa la marinayaa sharuucda Somaliland ay leedahay ee maxkamadaheeda, mar haddii qofka lagu qabtay isagoo nabadgalyada gacanta kula jira oo baabi’inaya waxay ciidamdu amar ku qabaan in halkiisa lagu qabto”.

Wariye Coldoon ayuu ku sheegay in Xamar uu lacag ka qaato maxkamadna loo dhaadhicinayo:

“Nin Xamar lacag ka qaata iyo nin dangaar ah leh labada ninna Somaliland gudaheeda ku jiri maayaan, muwaadin kasta oo aan qabanno waxaan marineynaa xeerarka dalka u yaalla, Coldoonna waad ka warhaysaan in xaalkiisa maxkamadda loo gudbiyay, waxaan kaloo uga digayna suxufiyiinta Somaliland degan iney kala baxaan faraha arrimaha siyaasadda waxa nabadgalyada khatarta ku ah, wax alaaliyo wixii kicin ah ama nabadgalyo darro dalka ku ah, suxufi nimadaadu kuu saamixi mayso”.

Ururka suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ ayaa Arbacadii ugu baaqay maamulka Somaliland in si shuruud la’aan ah lagu siidaayo wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo lagu xiran magaalada Hargeysa 15 Febraayo.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada