U bood dhigaalka

Somaliland: Wasaaradda Howlaha Guud oo Ka Hadashay Hoos U Dhac Ku Yimid Shilalka Gaadiidka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland ayaa sheegtay inuu hoos u dhac ku yimid shilalka gaadiidka ee ka dhaca maamulka sanadkan 2016 marka loo eego sannadadii ka horeeyey, iyadoo shilalkaasi ay hoos u dhaceen 20%.

Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud Mukhtaar Maxamed Cali ayaa sheegay in shilalka gaadiidku hoos u dhaceen 20% sanadkan marka loo eego sanadadii ka horreyey oo qiyaasta lagu saleeyay.

Agaasimaha hawlaha guud ayaa ku sababeeyey hoos u dhacan shilalka gaadiidka Labo arrimood oo tan hore ay tahay in la dhisay jidad badan oo horey u burbursanaa iyo in ay adkeeyeen qaabka bixinta  shatiyada baabuur wadista ,“Anagu haddii aanu nahay wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta waajibkayaga naga saaran dhinaca gaadiidka waa Liisan bixinta darawalka, waxaana hadda jira Shan xubnood oo Guddi ah, shantaas xubnood ayaa aad uga fiirsada, oo eega darawalka u qalma in la siiyo Liisanka darawalnimada, markay hubiyaan ayaanu siinnaa, si yar oo fududna kuma siinno, darawal aan khibradda lahayna Liisan ma siinno, balse waanu ka fiirsanaa oo cidii u qalanta shuruudaha looga baahan yahayna buuxisa ayaanu siinaa”, Ayuu yiri agaasimaha oo la hadlaayey warbaahinta maalinimadii shalay.

Agaasime Mukhtaar waxa kale oo uu xusay iney wali tirada shilalka gaadiidku aaney sidii la rabay u yaraan, iyadoo sand walba ay galaaftaan shilalku dadbadan. Shilalkan ayaa iskugu jira isku dhac gaadiid iyo  wax yeeleynta gaadiidka ee dadka shacabka ah , waxaanu intaasi ku daray iney jiraan qorshe ay damacsan yihiin oo ah kala xadaynta baabuurta oo iyagu si aan ka fiirsi lahayn uga soo dega dekadda Berbera .

Shilalka baabuurta ayaa sanad walba waxaa dhibaato ay u geystaan dad shacab ah, iyadoo dhibaatada ugu badan ay ka dhacdo wadada u dhaxeysa Berbera iyo Hargeysa oo ah tan ugu badan ee gaadiidka iyo dadweynuhuba ay si xoog leh u isticmaalaan.

Goobjoog News