U bood dhigaalka

Somaliland: Wasaaradda Maaliyadda oo Ka Hadashay Kulan ay la Qaateen Wafti Ka Socday Bankiga Adduunka

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaraadda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi iyo wafti ka socday Bankiga Adduunka ayaa kulan looga hadlayay horumarka maamulka heshiisyana lagu kala saxiixday ku yeeshay magaalada Hargeysa.

Wasiir Samsam Cabdi Aadan ayaa saxaafadda u sheegtay u jeedka kulanka ay shalay la qaadatay waftiga ka socdey Bankiga Adduunka.

“Halkan waxaa saaka ila joogtay qolo Baanka Adduunka ka socota, mashaariic badan oo ay Somaliland ka qabnayaan ayaan ka wada hadleynay, mashaariicda lacagta ay ugu talogaleen waxay soo mariyaan wasaaradda Maaliyadda, markaa had iyo jeer waa inaan heshiis kala saxiixanaa sida ay lacagtaasi ku tageyso hay’adihii loogu talogalay. Waxaad mooddaa in World Banku ay aad u soo jeedaan si ay wax inoola qabtaan horumarka Somaliland, waxay tababareen maamulka xisaabaadkayaga, maaliyaddu lacagtaa waxba kama goosaneyso waa un ay soo mareysaa, wasaaradaha ay khuseyso ayaa lacagta la siinayaa”, ayey tiri wasiirku.

Bankiga Adduunka ayaa mashaariic farobadan ka fuliyay Somaliland kuwaas oo ay ku jiraan biyaha, deegaanka iyo dowladda hoose oo ay ka caawiyaan habka maamulka dowlad wanaagga.

 Goobjoog News