U bood dhigaalka

Somaliland: Wasiir 9 Bilood Xilka Hayay oo maanta la dhaariyay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa maanta madaxweynaha Somaliland hortiisa ku dhaariyay Wasiirka wasaaradda biyaha ee Somaliland Saleebaan Cali Koorre.

Wasiirka oo lala dhaariyay xubnaha komishanka xuquuqul insaanka Somaliland ayaa waxaa uu ku dhaartay dhaartii Dastuuriga ahayd.

Golaha wasiiradda Somaliland ayaa waxaa la dhaariyay intooda badan muddo hadda laga joogo 6 bilood, hase ahaatee wasiir Koorre ayaan wakhtigaas ku jirin wasiiradii la dhaariyay, iyadoo aan la sheegin sababta aan wakhtigaas loo dhaarin, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in uu dalka ka maqnaa markii la dhaariyay wasiirrada.

Weli waxaa isaguna aan la dhaarin oo kamid ah golaha wasiirrada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Goobjoog News