U bood dhigaalka

Somaliland: Wasiirka Waxbarashada oo Dhaliil Xooggan Usoo Jeediyay Dumarka Midabkooda Bedela

Sheeko:Waxbarashada

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane ayaa si adag uga hadlay dumarka is caddeeya ee midabkooda bedela, waxa uuna ku tilmaamay nuqsaanta ugu weyn ee aadanaha ku dhacda.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdillaahi Ibraahim waxa uu hadal jeedintan ka sameeyay dood cilmiyeed looga hadalayay mancajka oo hay’adda Geeska Afrika ee Somaliland ay soo qabanqaabisay, waxaa hadalkiisii ka mid ahaa;

“Marka ugu horreysa, Innaga oo Somali ah Somaliland ka tirsan waxaan gaar u leenahay iyo sida aan ubadkeenna ugu xafidi lahayn aan is weydiinno, qowmiyadda afkaa ka dhexeeya oo asal ah, Inanteennu waxay odhan jirtay kolka ay wax tilmaameyso ‘Dheeriyaa , dhuxusha ka madoobiyaa, Aabahay baan arkaa, hal iyo Nirig buu wadaa, Hooyaday baan arkaa, lax iyo nayl bay waddaa’, maanta way is hoorinayaan hablaheennii(is caddeeyeen), arrinta aan halkaa ka eegno meel fog ma taallo, hooyadii baa u iibineysa aabihii baa u iibinaya, in aad isku kalsoonaan weydo maxaa keenaya ma raggaa u sabab ah oo leh inan cad baan doonayaa, ma gabdhihii baa kalsoonni darro ku dhacday, rag is caddeeyana waan arkay anigu, kalsooni darada intaa le’eg ee inagu dhacday iyo wixii aan shalay ku faaneynay maxaa u sabab ah, arrimo u baahan in laga hortago weeyaan, maxaayelay, sidii Alle noo abuuray oo aad ku kalsoonaan weydo waa nuqsaanta ugu weyn ee bini’aadamka ku dhacda weeyaan”.

Soomaaliya ayaa guud ahaan waxaa hadda caado ka noqotay iney dumarku midabkooda badalaan, iyadoo mararka qaar la arko rag aan ka yareysan oo iyaguna is caddeeya.

Goobjoog News